Mar Walba Cabsida Alle Xusuusnow
Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.
Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka
guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma
ayaa tiri: "Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay,
markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay
rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna
yiri: "soo gal Bilaal", waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna
SCW wuxuu yiri Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda
dadka Abuubakar Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya,
dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah.
Masjidkii ay uu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri "Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso" Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu NNKH istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu NNKH wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri " Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?" waxay tiri Faadumo "Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen". Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka baxshay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku NNKH la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: "Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro".
Intaa kaddib Nebiga NNKH waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday
Malakul-mowt wuxuuna yiri: "Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa)
Muxammad NNKH uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad
ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo
u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo".
Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad NNKH isagooo u eg nin reer
baadiye ah, wuxuuna yiri: "Assalamu calaykum ma soo galaa?" Faadumo
ayaa la hadashay
oo tiri: "Ninyahow rasuulkii Illahay wuxuu ku mashquulsan
yahay nafsadiisa"!!
Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka
NNKH ayaa Faaduma ku yiri: "Ma garanaysaa ninka?". Faaduma waxay
tiri: " Maya" rasuulku wuxuu yiri: "waa ninka gooya macaanyaalka,
kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta,
ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt".
Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna
tiri: " masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay
ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey,
waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii
Aabahay.
Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is
haleeleyno (isla kulmeyno)" wuxuu kaloo rasuulku yiri:" malakul'mowdow
soo gal" wuuna soo galay malakul'mowt, wuxuuna yiri. "Assalamu
calayka yaa rasuullulaah" rasuulkuna wuxuu yiri "wacalaykum assalam
yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad
iga qaado nafta?". <P>Malakul-mowt wuxuu yiri: "waxaan kuugu
imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse
haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri: "malakul-mowdow
xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:"waxaan
uga soo tagay samada adduunyada", isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil,
wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: "miyaadan
ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:"waan ogahay rasuulkii Illaahayow".Rasuulku
wuxuu yiri: " iigu bishaarey Illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama
ah (wanaag ah)".
Malakul-jibriil wuxuu yiri: "albaabada samada waa la wada furay, malaa'igtii
Illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa
la wada furay". Rasuulku wuxuu yiri: "iigu bishaaree siday ahaan
doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?".Malakul-jibriil wuxuu yiri:
"waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay
(u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad NNKH galo, sidoo kale jannada waan
ka xarimay ummadaha Illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan".Rasuulkuna
wuxuu yiri: "hadda ayuu diib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana
suushay murugtii".
Rasuulku wuxuu yiri: "malakul-mowdow ii soo dhowow". Malakul-mowt
waa u soo
dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.Rasuulku
wuxuu yiri: "maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka",
wuxuu kaloo yiri: "malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?".
Malakul-jibriil wuxuu yiri " Illaahay xabiibkiisiyow yaa awood u leh
inuu fiiriyo wajigaaga adigoo sakaraadaya". Aanas Binu Maalik wuxuu
yiri: " Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa
salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.
Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal
ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof,
waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:
Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin
Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la karfanay, waana lagu tukaday, waxaana
lagu duugay gurigiisii ee qolka Caa'isha RC, habeen arbaco ah ayaana la
duugay Suubanaha NNKH. hadaba waa in qof kasta oo muslim ah uu kaa fikiraa
Aakhiro waayo aduunyadu waa daciif aan wax qiimo ah la heyn ee waxaan isku
dar-daarmeynaa alle ka cabsi iyo iyo cibaado hadaba qof kasta oo hela akhbaartaan
ha gaarsiiyo walaalihiisa kale ee Muslimiinta ah insha allaah