Dib-U-Dhiska iyo Horumarinta Ganacsiga Galmudug


Inkastoo ganacsigu yahay lafdhabarka dhaqaalaha Maamul Gobaleedka Galmudug, haddana ma jirto cid dhab ahaan ku hawlan wax ka qabashada dhibaatooyinka kala duwan ee hortaagan in ganacsiga Galmudug kobco, horumarna sameeyo.

Haddaba, wadan kasta oo ka tirsan dunida aynu ku noolnahay, waxa ka jira cid lagu ogyahay in ay si joogto ah ula socoto xaaladda dhaqaale ee dalkaasi, halkay kolba marayso si looga taxadiro wixii dhibaato ah ee ku timaada, isla markaana wax looga qabto intay goori goor tahay, waxaana inta badan ku shaqo leh ilaalinta iyo hagista dhaqaalaha hay’addo dawladeed, sida; wasaaradaha ganacsiga iyo kuwa gaarka ah, sida; sida rugaha ganacsiga wadamo badan, ayaa iyaguna leh goleyaal Qaran oo ka taliya arrimaha dhaqaale ee dalalkooda.

Galmudug ahaan marka aan u soo noqdo, waxay ila tahay in ganacsigii dibad u dhoofinta iyo waaridka (Export - import) ee ganacsatadeenu aqoonta iyo xirfadda weligoodba u lahaayeen u hadda gacanteena ka baxay amaba istaagay sida xoolihii la dhoofin jiray ganacsiga gacanta kale ku wareegay iyo ka istaagayba, waxay saameyn ku yeesheen noloshii dadweynaha oo hoos-u-dhac ballaadhani ku yimid, kadib markii la waayay dakhligii bulshada ka soo geli jiray dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee la yaqiinay.

Sidaas darteed, waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in la soo celiyo aqoontii iyo xirfadihii ganacsi si aynu ganacsigeena suuqaq iyo xidhiidho dibadeed ugu baadi doono, isla markaana la nidaamiyo ganacsigeena gudaha dalka oo haatan u socda hab fawdo ah.

Haddaba, si taas loo helo waxa lagama maarmaan ah in ganacsatadu isu yimaadaan oo ay sameystaan urur u gaar ah oo u horseedi kara, isaga oo la kaashanaya wasaarrada ganacsiga, sidii suuqyo iyo maalgelin dhaqaale loogu heli lahaa ganacsiga wadaniga ah, waxaanan leeyahay, shaqo la’aanta aafaysay mujtamaceena waxa lagaga bixi karaa, iyada oo loo soo wada jeedsado sidii ganacsigeena loo kobcin lahaa.

Haddaba, marka hore si ay ganacsatadu danahooda ganacsi wax uga qabtaan, taas oo ay ku jirto danta dadweynuhu.

Waxaan mar kale ganacsatada Galmudug ugu baaqayaa in ay dhistaan urur ay ku bahoobaan oo ka shaqeeya dib-u-habeynta ganacsiga Galmudug, iyo horumarintiisa guud.

( mudug.com)