Daryeelka Kaluunka Iyo Ugaadha Galmudug State

Khayraadka dabiiciga ah ee ku nool degaanada dhuleed iyo badaha Galmudug ee loo baahan Yahay in la daryeelo noloshooda sidii ay u tarmi lahaayeen ayaa ka mid ah hawlaha lagaga qaybqaadan karo daryeelka guud ee degaanka. Soddonkii sannadood ee u dambeeyay, dunida sawiro ay ka qaadeen Dayax-gacmeedadu ayaa muujiyay in ay waxyeelo gaadhay qaabkii iyo hawadii ay ku tiirsanayd nolosha noolaha ku nool dunida ee uu dadku ka midka Yahay. Isbeddelkaa, waxaa sababay korodhka tirada dadka oo aad u korodhay, taas oo ay dhinac socoto korodhka cunto raadsiga, huga, hoyga iyo isticmaalka shidaalka, qodista macdanta, isticmaalka hubka ee dagaalada iyo wasakhda hadhaaga Nuclear-ka oo lagu shubo Badaha iyo dhulka kaymaha ah ee ay ku nool yihiin Ugaadha iyagu sida dabiiciga ah ugu dhaqma, uguna tarmaa.

Kalluunka iyo Ugaadha waxay labaduba leeyihiin marka si habboon looga faa’iidaysto wax-tar cunto iyo dalxiis oo labaduba kor u qaada dalka sida fiican u daryeela, ugana faa’iidaysta dhaqaalihiisa. Si arrintan wax looga qabto, waxaa lagama maarmaan ah shuruuc loo dejiyho ilaalinta ficilada wasakheeya Badaha. Sidoo kale, wixii wasakhaynaya hawada ay dadku neefsadaan ayaa iyana la mid ah inay shuruuci ka taalo.

Arrinta ugu muhiimsan ee meesha ka maqani waxay tahay, barnaamijyo wax-barasho iyo qaar wacyi-gelin ah oo aan sidii loo baahnaa u gaadhin degaanada dhulka iyo kuwa Badda ee Galmudug. Dhinaca kale, Badda dheer ee ku dhereran Galmudug State, ayay fududahay tiro yaraan, tayo yaraan iyo faham la’aanta waxyeelada ay degaanka iyo nolosha u keeni karto haddii fursad loo helo, dayacnan lagu daadin karo hadhaa kiimikal ah ama mid Nuyuukleer ah.

Aqoonta u adeegaysa ilaalinta khayraadka Badda noole iyo degaanba ayaa iyana u muuqata in aanay aad ugu badnayd Galmudug dadka ku takhasusay marka la barbar dhigo xeebta dheer ee ay Galmudug leedahay iyo khayraadka leh faa’iidooyinka aan la soo koobi karin ee ku nool.

Dhaqanka xoolo-dhaqatanimo ee aqlabiyadda dadka reer Galmudug ee ay ku tiirsanaan jireen ayaa iyana sababtay inaan ahmiyad weyn aanay dadka reer Galmudug siin, inay si ballaadhan ugu hawl-galaan ka faa’iidaysiga khayraadka Badda iyo hawl-galka horumarinta qaabka loo ilaaliyo, loogana faa’iidaysto Badaha, Kalluunka iyo khayraadka kale ee ku jira.

Fahamsiinta dadka reer Galmudug in Ugaadhu ay tahay khayraad dabiici ah oo qaran, iyo ku wacyi-gelinta sida loo daryeelo oo aad xooga loo saaro waxay qayb weyn ka qaadan lahayd dhiiri-gelinta iyo tarminta ugaadha ku nool Galmudug

.Dib u soo noolaynta degaanadii ku yaalay badaha Galmudug ee intooda badan hadda aanay dad badani ku noolayn, waxay noqon lahayd jihayn tiro badan loo jiheeyay dhinaca Badda iyo khayraadkeeda, si isla markaa Badaha Galmudug u noqdaan halbowle la dareemi karo waxyeelada soo gaadha.

Dhinaca kale, dugsiyada wax lagu barto ee Galmudug oo la kordhiyo duruusta khusaysa khayraadka Badda iyo iyada oo la siiyo tabobar ficliyana (practical), oo ah farsamada kalluumaysiga. Iyo khayraadka Baddu, wuxuu noqon lahaa hawl midha-dhal ah oo loogu diyaariyay ardayda farsamo shaqo wax-soosaar oo ay ka faa’iidaysan karaan Ardaydu mustaqbal ahaan, si ay u helaan shaqo iyo dakhli ay ku noolaadaan.

Sidaa si le’eg, barista Ugaadha iyo noocyadeeda, habka loo dhaqo ama loo tarmiyo, waxay keeni kartaa dhiiri-gelin xeryaha dhaqaalaynta ugaadha (Zoo) oo noqda kuwo ardayda baratay ku hawlgeli karaan. Guud ahaan dar-dargelinta daryeelka Kalluunka iyo Ugaadha oo ah khayraad dabiici ah oo ku nool Galmudug, waa hawl lagama maarmaan u ah ololaha daryeelka degaanka ee indhaha dunidu hadda u soo jeesteen, kadib markii si toos ah dunidu u dareentay waxyeelada gaadhay degaanka adduunka.