Agaasiamha hay’adda SCDO Mursal xaashi shirwac ayaa ka warbixayay waxa qabdkii hay’adaas mudadii ay ka sahqaynaysay hawlaha samafalka ee ay ka wado deegno badan oo ka tirsan G/Mudug.


Agaasimaha guud ee ha’adda SCDO oo ah ha’yd samafal mudane mursal xaashi shirwac oo manta shir jaraaid ku qabtay xaafiiskiisa gudaha xaraunta hay’adda ee magaalada gaalkacyo ayaa waxa uu ka warbxiayay hawlaha hay’adaasi iyo mudadii ay shaqaynaysay hawlihii balaarnaa ee ay ka fulisay deegaano badan oo ka tirsan gobolada gaar ahaan dhanka dayac tirka ceelsaha ee hay’addu qaarna ay qoday qaar kalana ay dayac tir ku samaysay.


Ugu horayn waxa uu sheegay in xaafiiska hay’adda SCDO ee gobolka mudug la fuaray sandii 2006 bishii Agosto, oo si toos ah ay shaqada aha’adu ubilaabatay.
Wax uu sheegay mudane mursal xaashi shirwac agaasimaha ha’adda SCDO inay hay’adoodu ay door biday in ay ka shaqayso dhanka daboolidda baahida biyaha asgoona xusa in ceelal badan oo ku yaala duulooyinka ka tirsan deegaanda galmudug satate ay wax abdan ka qabteen Wajigii koowaad ee sandii 2006 ayuu sheegay in ay ceelasha ka dhiseen kana dayac tireen dagaari,bandiiradley,galinsoor,bud-bud,wisl,xeerodhagxley,


Asgoona sheegay in ay baahida biyaha ay ubda naayeen degaanadaas isla amrkaana waxa uu sheeagy in ay tababreen 82qof oo loo taba baray caafimaadka biayaha


Wajiga labaad ee 2007-2008 ayuu sheegay in ay tayac tir iyo qodid ku sammeeyeen deegaanda qodox toolle iyo dhuure oo ay laba rig ay ka hawl galayaan ceelashana ay qodayaan xligaan.


Dhanka wax barshada ayuu sheegay mudane mursal xaashi shirwaca in ay dhseen laba dugsi wax barsho oo farsamda ah ayna ka fureen magaaalad gaalkacyo iyo wisil.


Ugu danbayntii agaasiamha guud ee hay’adda SCDO waxa uu sheegay in sandaan 2008 ay qorshaynayaan ceelal badan oo ay wax ka qabanayaan asgoona sheegay in bulshada reer galmudug ay ka faaidaysteen hawlaha balaaran ee ay wado hay’adda SCDO oo ah hay’ad samafalka ka shaqaysa gaar ahaan dhibaatooyinka dhanka wax barshada iyo biyaha waxa uuna ugu abaaqay hay’adaha samafalka in deegaaanda galmudug ay tahay goob nabad galyo ayna ku soo diiradaan ka shaqeeyaan.



Cabdalla Max’ed Cabdalle
codkamudug Galkacyo,
GalMudug State,SOMalia,
Mobail:002521 62270923
Cabdalla45@hotmail.com