Ka dhiibo Fikradaada Horumarka Galmudug State
Galmudug ma u baahantahay Xafiiska Hanti dhawraha guud? waana maxay waajibaadkiiso ?
Su'aasha hore waxaan u dhaafay reer galmudug!
Hanti dhawraha guud waa maxay waajibaadkiiso.?
Xafiiska Hantidhawraha Guud wuxu guud ahaan masuuliyadiiso noqoneesaa sida hoos ku xusan:
• Hubinta waxala wixii si sharciga waafaqsan lagu soo uririyey cashuur
ahaan, ama deeq ahaan, ama deen ahaan xukuumadu kusoo gala sifo u ogol yahay
Distuurka, iyo sharciyada dalko, waxa kale u hubinayaa in sifaha loo maareenayaa
waafaqsan tahay sida Nidaamka xisaabaadka Dalka FARAYO;
• Hubinta in kharashka loogu talo galay adeegyada buslshada ee u QOONDEEYEEN
Golaha Wakiilado loo hirgaliyo, amase la sababeeyo sababta loo badelay wixii
loogu talo galay ama hada la damacsan yahay in loo isticmaalo;
• Hubinta in HAWGALADA Xukuumado fulineeso in si karti, hufan iyo lexlo-jeclo
badan ka muuqato, waafaqsana sharciyada iyo siyaasadaha loo ansixiyey in Wasaaradaas
amase Hayadahaas xukuumada ku shaqeeyaanah Golaha Baarlamaanko ansixieyeen
;
• Hubinta in Hantida Qaranka laga ilaaliyo lunsi, beelah iyo leexsasho
si cid kale ugo tagrifasho. Waa inu hubiyaa in Hantida guur-guurta iyo taan
guur-guurinba sida sharcida maareentooda u qeexayo( Stores management
and procurement procedures) ee ku diwaan gashan tahay Xafiiska Xisaabiyaha
Guud iyo ka Hantidhawraha Guud, maareenteeduna u xilsaaran tahay Wasaaradaha
kala gedisan ooy tusaale ahaan ka mid tahay Wasaarada Hawlaha Guud oo iyado
u xilaaran inta badan;
• Hubinta in wasaaradaha oo dhami, Dawladaha Hoose oo dhami, Hayadaha
oo Dhami xisaab celin bilwalba usoo diraan Xisaabiyaha Guud ( Dawlada Dhexe
), Dawladaha Hoose iyo Hayadaha Madax Banaan ( Hantidhawraha Guud ). Waa ino
hibiyaa in qolo waliba xisaab-xidh soo sameesaa sadexdii biloodba hal mar
iyo war-bixin hawl fulineed ooy u keenaan Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhawraha
Guud;
• Waa ino hubiyaa in sharciga waafaqsan xukuumado inay wax kusoo iibsato
iyo in kale, si loo hubiyo in qiimo ku haboon wax lagu soo iibiyey amase xukuumado
waxa ee leedahay qiimo wanaagsan ku iibisay (i.e Stores Regulation of the
State);
• Waa ino Golaha Baarlamaanka Gudidiisa Xisaabaadka iyo Hantdhawrenimada
sanad walba u keenaa barnaamijka u rabo ino fuliyo iyo barnaamisjka Barlamaanka
iyo Madaxtooyado rabaan in la fuliyo. Sadexdii bilowdba wuxu usoo bandhigayaa
gudida baarlammanka ee qaabilsan WAR-BIXIN uu kaga waramayo hawlgalada Xukuumado
fulineeso siday u socdaan, in talooyinkiisii iyo kuwii Baarlamaanko iyo Madax-weynuho
usoo jeediyeen xukuumada la fuliyey iyo inaan la fulin iyo talaabada u rabo
in laga qaato.
• Sanad walba wuxu Wasiirka Maaliyado isagoo adeegsanaya Agaasimaha Guud Wasaaradiisa iyo Xisaabiyaha Guud ee wasaaradiisa xisaab-xidhkii Xukuumada bisha sadexaad ee sanadka cusub usoo gudbinayaa xisaab-xidhkii sanadkii dhamaaday iyo miisaaniyadii oo ama la ansixiyey amase la diiday sababo GURACAN awgeed.
Sabahaasi haday noqdaan wax ku taxaluqa maareenta maalka iyo Hantida Qaranka
waxa badanaaba talo ka yeesha Baarlamaanka gaar ahaan Gudida xisaabaadka iyo
baadhisda iyagoo la tashanaya Hantidhawraha Guud, Madaxtooyada, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha.
Hadii intaasi talo midaysan gaadhaan waxa qoraal lagu go’aansanayaa
sifaha XAL lagu gaarayo. Hadii ee dhacdo in laga maaransan waayo in KALSOONIDA
laga qaado Xukuumada hadii CIDA waxa guracan keentay laga qariyo Golaha Wakiilada
amase been loo sheego, waxa iyana TALO ku yeelan kara Maxkamada sare ooy talo-deeda
inta ku saleesan tahay Tafsiirka Distuurka iyo Qawaaniinta Maaliyada Dalka,
waa hadii la isku qabto tafsiirka qodobada la cuskaday.