Somalia Youth Alliance

Ugu horeyn waxaan idinku salaameynaa salaanta islaamka asalaamu caleykum waraxma salaan kadib. Waxaan nahay uururkii mideynta iyo hormarinta dhalinyaradda beesha sacad ee ku sugan caasimadda muqdisho ,ururkaan waxaa la aas,aasay bishi 1/2001 waxaana loo aas,aasay markiii la arkay kala dadsanaanta beesha dhexdeeda ah,dhan walbana leh haddii ay noqon laheyd siyaasiinta, aqoonyahanada ,dhalinyaradda,culu,madda,iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadda ,ayadoo taa ka duulaya dhalinyaradda ayey waxa ay isku howleen iskuna taageen in dhibtaadaas intaas la eg waxa ka qabtaan ayadoo aysan jirin cid gacan siineysa dhan walba .

Sidoo kale dhalinyarada waxey maskaxooda iyo jirkooduba ay ka danqadeen dhibaateyda heysata ,iska warqab la,aanta , towfiiq la,aanta taasoo cudur weyn ku ah beesha dhexdeeda ,hadaba ayada oo ay dhalinyarada taa ka duulayaan ayey waxey u sarajoogsadeen iney isku raadiyaan marka ugu horeysa dhalinyaradda beesha sacad ayadooo qorshahooda uusan meesha ka maqneen somaliweyn iyo in la mideeya dhalinyaradda soomaaliyeed mustaqbalka dhaw iyo midka dheer .

Wada tashi dheer iyo kulmo kala gedisan kadib waxa ay dhalinyaradda ku guuleysteen in maamuul loo sameeyo dhalinyaradda ku sugan gobolka banaadir si waxqabadka iyo kala warqaadashada ay u sahlanaato la iskana war heeyo ,bishii 6/10/2007 mudadaas kadib waxey dhalinyaradda isku taageen in ay soo dhisaan qeybihii ama xubnaha ururka si ay howshooda u guda galaan.

1.ugu horeyn ururka mideynta iyo hormarinta dhalinyaradda beesha sacad ee gobolka banaadir waxa ay fureen xafiis ay ku shaqeeyaan ururka dhalinyaradda ,sidaas la la mid ah waxey ku guuleysteen dhalinyarada in ay sameeyaan website ay ku kala warqataan dhammaan inta ku magac sheegata ururka dhalinyarada ,kaasoo la aqristo waxa walba iyo wixii aqbaar ah oo ay leeyihiin iyo dhammaan aqbaarta ay leeyihiin beesha intaas oo dhaqaale ah lagama qaadin cid kale waana (contribution) ay isku keeneen dhamaan xubnaha ururka .

intaas kadib ururka waxa ay kormeer ku tageen gobolka mudug gaar ahaan qeybta ay maamusho dowladda goboladka galmudug state 11/18/2007 ujeedaduna waxey aheyd in ay soo ogaadaan baahida kala gedisan ee ka jirta gobolka oo dhan ,ururka intii ay buuqashadaas ay ku jireen waxa ay la kulmeen maamulka galmudug state ,uuna igu horeeyo ku simaha madaxweynaha Cabdi samed nuur guuleed,iyo qeybaha kala ee maamulka , sidoo kale waxey la kulmeen qeybaha bulshadda kala gedisan ,waxeyna kala kulmeen soo dhaweeyn 100% iyo taageero guud ee ay ururka siiyeen ,wax yaabiihii ay ka soo aruursheen kormeerkaas waxaa ugu muhiimsan waxbarashadda gobolka oo soo yara kobceysa taana waxaa ugu wacan qaxootiga fara badan oo gaaray gobolka balse ma gaarin halkii looga baah naah taana waxaa u sabab ah dadka oo aan fahansaneen qiimaha waxbarashaddu ay u leedahay aadmiga aysana helin wacyigelin guud iyo mid gaar ahaaneed,aqoonyahanadda ,iyo maalqabeenadooda oo aan waxa xil ah iska saarin kana danqan waxa uu ku sugan yahay gobolkooda ..

hadaba markii si guud looga hadlo celcelis ahaan waxa ay u dhigantaan marka la barbar dhigo dadka aan waxa baran 35% inta dhiman waxaa looga baahan yahay in ay dhameystiraan aqoonyahanadda ka soo jeeda gobolka ,iyo inta jecel hormarka gobolka ..

sidoo kale haddii aan kaaga warano caasimada muqdisho waxbarashadeeda waa mid aan sidaas u buurneyn,dhalinyaradda beesha,sababtuna waa mid ay kala mid yihiin qeybaha kala duwan ee bulsha weynta reer muqdisho, balse waxaa nagala hormarsan yahay xaga waxbarashada dibadda iyo helida jaamacaddaha ardeyda soo dhameysata dugsiyada sare ee dalka in ay helaan aqoon dibadda ah arinkasna waxaa u soo dhameeya bulshadda ay ku magac sheegtaan ee ku sugan qurbaha balse aan laga helin aqoonyahanadii sacad in ay arinkaas ka danqadaan , waxana ay u qabtaan dhalinta faraha badan ee maanta soo dhameysatay dugsiyada sare ee ku tabaaleysan caasimadda muqdisho, kuwaasoo marka qaar isku roga ma liibaanayaal (mooryaan) lagu shaqeysta kuna ku biira marxaladaha uu maanta uu mari.waxaanse leenahay yaa u maqan dhalintii sacad ee maanta aheyd ubaxii bari??? Waa fariin u taal aqoon yahanada sacad ee ku sugan qurbaha taasoo looga fadhiyo .

Codsi Guud

1.waxaan aqoonyahanadda ka codsaneynaa in ay ina dhexmarto wada shaqeyn iyo iskaashi waafi ah si loo wada shaqeeyo anagoo ka tarjumeyna hormarka dalkeena iyo dadkeenuba, iskuna duuban sii looga gudba arimaha ku lugta leh heybta iyo qabiilka kuwaasoo daashada bulshadeyna si loo helo waxtar guud oo dhamaan dadka ka wada qeyb qaata taaso qof kasta oo naga tirsan muhiim u ah meel walba oo adduunka kaaga sugan yahay .

2. sidoo kale in ururka mashaariic loo raadiyo laguna xiro ururadda ka shaqeeya hormarinta arimaha dhalinyaradda ,si ay howlihiisa u fududaadan si buuxdana aad ula shaqeysaan , adiguna la idinka helo gacan buuxda .

ugu danbeyn waxaan idinku boorineynaa haddii aad tihiin aqoonyahanadeena ee ku sugan qurbaha kuwa sama jeclaha ah in ay xooga saaraan hormarka dhalinyaradda ,loona soo saari lahaa dhalinyaro tayo iyo aqoonba leh , si looga gudbo is heysiga iyo nin jecleysiga ,mustaqbalka dhaw anfaca qadiyadda dadkooda iyo dalkooda.

Waxaan idinka sugnaa haddii allaha awooda leh yiraahdo wada shaqeyn joogta ah iyo iska warqab ..

Wabilaahi towiif

N”B Somali youth union development assocaiton ,. Waxaa lagu badalay Somalia Youth Alliance(S.O.Y.A) 2008

Raage Xuseen Cigaal secretary 2521-62280283