|
||||||
|
|
| Ma u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Maamulka Mudug.com? Ma dareentay wax khalaad ah oo aad ku aragtay webka dhexdiisa? Ma jirtaa wax aad jeceshahay in lagu soo kordhiyo Webka Fadlan la xidhiidh Maamulaha Webka - Emailka: Halkan Guji- Copyright © mudug.com - 2000- 2009 All rights reserved. |
| | Google| |
| Gabay La Magac baxay |
|
HOBYO GODON Halkii aan ku dhashee Hooyadu igu korisoo Laygu soo hanqariyoo Hobyo godon taydiiyay Badda hirarkeediyo Hawadii macaanayd Naftu hibanaysoo Hal-hayskii naftaydaay. Dhulku kala habboono Mid waliba waa heeroo Hoygii barwaaqada Alla hiba u siiyoo Dadku ku hiranaayoo Hobyadii wacnayday Markay hanaddaadii Kaa haajireenoo Dhul kale u hayaameen Cidla kuu horseedeen Nacab heellaanaan jiray Huwan is bahaystiyo Habaar qabayaal Horumarkaad sugaysiyo Wixii kugu habboonaa Ku hareer marsheeno Huqda kugu dileenoo Dhibka kuu horseedeen Anna haatan iyo dan Waan ku hilooboo Waan kuu hanweynoo Hullaabtii i saarnayd Hagoogti iska qaadoo Waxan heli karayiyo Hanti waxan ka leeyahay Waan kuu hurayoo Kuwi kala hayaamiyo Kuwi kala hallaabaan Hayb-haybinaayoo Habar-wacashadaaduna Hiilkaagu waa daw Halgankaadu waa ballan Heesaha ammaantiyo Hawraarta maansada Kuu hibaynayaayoo Hambalyiyo salaanbaa Dusha kaa huwinayaa Halyayadaadi horeetana Kuwii iilkka hoos galay Hengel baan u dirayaa Halku dhiggayguna Iyo hoga tusaalahu Waa inoo Hobyo godon Iyo hawsha ii taal Adiguna Hobyooy Wixi haatan dabadeed Isku kay halleeh Haddaanan iilka hoos galin.
|