mudug.com

 

Hogaamiye Waa Kuma?
(right man to the right position)

Jagooyinka sare ee hayadaha iyo shirkadaha waxaa looga baahan yahay dad karti lehoo u qalma inay jagooyinkaa qabtaan.Nin agaasime guud ka ahaa shirkad ganacsi oo maraykan ah ayaa tilmaan ka bixiyay hawlaha maamulka waxaanu yidhi:-

“hogaamiyaha fuliyaha ahi waa inuu karti u leeyahay wax barida dadka kale, waa inuu awoodi karo inuu shaqaalihiisa u qeexo jid cad oo uu ku muujiyo dhammaan shaqada hayadaha iyo siyaasadeeda iyo kaalinta ay kaga jiraan arrimaha la fulinaayo, taasina waxay u suuroobi kartaa inuu isaga laftiisa aqoon dheer u yeesho arrimo badan oo ka baxsan shaqadiisa iyo inuu aad u yaqaano shaqaalaha uu Madaxda u yahay iyo heerka ay kala joogaan xaga aqoonta kartida iwm, waxyaalaha ay hibada u leeyihiin qaarkood iyo qof kasta hawsha uu ku fiican yahay si gacan loogu siiyo waxay higsanayaan hayaduna uga faa’iidaysto.”

Hogaamiyaha nin kartiyeedka ahi waa ninka ka shaqeeya inuu ka dhigo shaqaalihiisa koox midaysan oo si iskaashi ah u wada shaqaynaysa oo isxurmaynaya, sida lagu gaadhi karo guushaana waa in si cadaalad ah loogu simo fursadaha tababarada iyo aqoon korodhsiga, oon laga xulan kuwa qaraabada iyo saaxiibada siyaasada oo kaliya, haddii aad qaarkood u fidiso kaalmo aanay mutaysan oo loogu qaraabo kiilay ogow waxaa kacaya kuwa asaagooda ah oo uur xumo ay ku abuurayso,

waxaanay tirsanayaan dulmi iyo cadaalad darro. Sidaa darteed hogaamiyaha doonaya inuu guul dhaliyo waxaa waajib ku ah inuu dhex dhexaad u ahaado shaqaalihiisa fursadaha tababarada iyo dalacaadana u simo, waa inuu u dhug lahaado in eexda iyo nin jeclaysigu shaqaalaha qalbi jabinayaan.

Nin madax ka ahaa shirkad ku taala Taxes oo ka mid ah dalka Maraykanka ayaa u baahday nin kaaliye uga noqda dhawr gobol, waxaa isku waday jagadaas nin maamule ka ahaa gobol, waxaase loo magacaabay nin kale oon la filayn,

markaa si loogu cadeeyo sababta ninka kale ku mutaystay isaguna ku waayay wuxuu u yeedhay madaxdii shirkada ninkii maamulaha ahaa waxaanu ku yidhi:-
“waan ka warqabaa inaad cadaalad daro iga tirsanayso markii nin kale loo magacaabay jagadii aad filaysay, waxaan kula socodsiinayaa in looga baahnaa jagadaas nin la macaamiloon kara dad kala duwan sida ganacsatada, agaasimayaasha wax iibka degmooyinka iyo gobolada,

waxaana shardi ah inuu aqoon fiican u leeyahay wax iibka, isla markaana waa inuu karti u leeyahay layliga iyo barbaarinta dadka kale oo uu u soo saari karo hayadaha dad wax tar ah oo horumariya si aanay hayad kale noo dhaafin.

Adigu waad ku fiican tahay shaqadaada, laakiin markii lagu noqday heshiisyadii wax iibka ee aad fulisay intooda badan adiga sameeyay inta yar ee soo hadhayna waxaa sameeyay saddex nin ood ka dooratay ragaasi shaqaalahaaga intoodii kalena waad gacan bidixaysay, waxtarkoodiina hoos buu u dhacay sidaa darteed haddii aad damacsantahay dalacaad u barbaari shaqaalahaaga hawlaha kala duwan.

Waxaa nagu waajib ah inaan jagooyinka muhiimka ah u dhiibno dadka ugu karti iyo waxqabad badan si loo soo hooyo guul wax ku ool ah. Adigu hal qof baad tahay oo wax walba ma qaban kartid, markaa waa inaad diyaarisid dadkii wax kula qaban lahaa, waa intaas gafka uu sameeyay maamulihii oo uu kuwaayay sadkordhintii, wuxuu khayr moodayay ayaa khasaare u soo jiiday, Maxaa yeelay wuxuu isku dayay inuu shaqadiisii iyo shaqadii dadka kale kalaba kaligii qabto, wuxuu u qaatay haddii isagu ku ekaado hawlgelinta, shaqaalaha uu Madaxda u yahay.Iyo tababarkooda si ay shaqada toos ugu fuliyaan inay isaga nacasnimo ku tahay.

Waxaase loo baahnaa inuu xog-ogaado in shaqada madaxdu tahay hawlgelinta shaqaalaha, isku duwida shaqada iyo kormeerida habsami u socodka shaqada haddiise maamuluhu uu qabto shaqadii dadka uu Madaxda u yahay waxaa baylahaysa shaqadiisii, waxaa lagu matalaa ninka caykaas ah geed weyn oo hoos ballaadhan leh laakiinse aan ogolayn in geedo kale hoostiisa kasoo baxaan.

Hogaamiyaha guusha dhalinayaa waa inuu u hanqal taago jagooyinka sare, jagadiisana uu u diyaariyo una barbaariyo dad xul ah oo xirfad iyo xigmadi ka dambayso haddiise uu isku gudbo oo hore u socod noqon waayo way jiidhi doonaan oo iyagaa hore u socon doona, hogaamiyaha karti laawaha ahna meeshiisay kaga tagi doonaan.

Hadal iyo murti Hogaamiyaha maamulku waxay u baahan tahay jajabnaan ninka hogaamiyaha ahi waa inuu ahaado nin dhug leh oo foojigan isla markaana waa inuu yahay nin hawsha u jajaban oo kiil kasta buuxin kara, sidoo kale waa inaanu noqon, nin qalafsan balse waa inuu yahay nin u fara dhuudhuuban xamilka culayska hogaamintu leedahay suurtagalna maaha in qofkastaa, hogaamiye noqdo. Maxaa yeelay rabigii dadka abuurtay wuxuu kala siiyay adoomihiisa kartiyo kala duwan, jago kastaana waxay u baahan tahay nin u qalma fulinteeda in loo dhiibo (right man to the right position)