Galmudug State of Somalia
Qudbad uu soo diyaariyay Madaxweynaha Galmudug State
Dr. Mohamed Warsame Cali (kiimiko)
SANNAD-GUURADA 1aad EE
GALMUDUG

Bismillaahi Raxmaani Raxiim
SANNAD-GUURADA 1aad EE
GALMUDUG
14kii Agoosto 2007
Walaalayaal,
Waxaan idiin soo gudbinayaa salaam aad u qiima badan.
Ugu horayn, waxaa mahad leh Allaha Weyn ee maanta na gaarsiiyey in aan markii
ugu horaysay u dabaaldegno sannad-guuradii 1aad ee dhismaha Galmudug ee 14ka
Agoosto. Waxaan dhammaantiin leenahay Hambalyo, waxaanan Eebbe ka baryaynaa
in sannadkan sannadkiisa kale nagu gaarsiiyo nabad, horumar iyo barwaaqo.
Maalintani waa maalin qiimo gaar ah u leh bulshada Galmudug oo markii ugu
horraysay si wadajir ah u gaaray go’aammo taariikhi ah ee dadka iyo
degaanka bulshadaas gudo iyo dibedba, ayna ku dhisteen maalmul-goboleedka
la magac baxay GALMUDUG, kaasoo degaanka gobolladiisu leeyihiin dadweyne cammirran,
degaan mmuqda, khayraad buuxa iyo xudduudo cayiman. Waxay taariikhdu qori
doontaa, kadib dhibaatooyin iyo halganno farabadnaa ee gaar ahaan bulshada
degaankaas ugu ballaaran ay soo mareen sannado badan, in ay sannad kahor maanta
oo kale ay soo gabagabeeyeen talooyin dhaxalgal ah ee ay ku diirsan doonaan
intooda nool, una aayidoonaan jiilaka danbe ee bulshadaan.
Haddii aan taariikh kooban ee degaanka maamulku ka dhashay dib ugu laabto,
waxaad markhaati ka wadatihiin in iyadoo guud ahaan bulshadeennu dhibka guud
la wadaagtay ummadda Soomaalieed badankeed, ay haddana la dersay dibudhac
iyo caddaaladdarro kasoo jeedda xilliyadii gumaysiga iyo dowladihii lasoo
maray ee sanadihii lixdanaadkii. Waxaa si gaar ah degaanka u taabtay cadaadintii
iyo cunaqabatayntii xilligii dheeraa ee xukunkii ciidammada. Waxaa arrimahaas
caddayn u ah dhaxalka cakiran ee dhulkeenna oo ay ka mid yihiin:
1. Dhulka Galmudug oo dhererka xeebtiisa lagu qiyaaso ilaa 345 Km lagama dhisin
deked iyo ayraboorro midna.
2. Degaanka gobolkii ex-Mudug marna looma samayn degmooyin ku wajahan dadka
degaanka, wuxuuna ahaa gobolka dhul ahaan ugu baaxadda weyn gobollada dalka.
3. Nooc kasta ee dhismo ah ee adeeg bulsho looma abuurin; sida wadooyin, isbitaallo,
dugsiyo sare iyo xataa xafiisyo dowladeed, gaar ahaan caasimadda Gaalkacyo
(FG. Sababo siyaasadeed awgood, dhinaca woqooyi ee magaalada Galkacyo keliya
ayaa leh dhismo dowladeed ee isbital iyo dugsi sare, iwm).
4. Waxaa bulshada degaanka waqtiyadii u danbeeyey dawladnimada lala beegsaday
dhibaato toos ah ee dil, barakac iyo burburin naf iyo maalba isugu jira.
5. Dagaalladii sokeeye ee waqtiyadii sagaashanaadka iyo dhawaanba degaanka
ka dhacay waxay abuureen xaaluf dhinac walba ah.
6. Iyadoo masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaruha ay degaanka aad u saameeyeen,
17kii sano ee dowlad la’aanta waxay hay’adaha samafallada iyo
kuwa deeqaha bixiyaba cidleeyeen guud ahaan degaanka iyo dadkiisa.
Haddaba, iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha kore oo ay wehliyaan waxqabad la’aanta
ay sababtay maamul tayo leh oo aan hore uga jirin degaanka iyo dibudhaca lagu
sameeyey awooddii odayaasha dhaqanka; waxay u hawlgaleen waxgaradka bulshada
oo ay hormuud u ahaayeen Jaaliyadaha dibeddu abaabulka bulsho iyo qabashada
shirweyne guud ee lagu dhiso maamul shaqayn kara ee u hawlgala wax-u-qabadka,
dibusoo noolaynta iyo horumarinta dadka iyo degaanka, siiba dhinacyada adeegga
guud ee caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo sidoo kale nabadagelyada
iyo nabadaynta bulshadaas.
Waxaa xaqiiq ah in tallaabooyinka dib-u-habaynta dhaqanka iyo taabagelinta
maamulka ee shirweynaha kasoo baxay ay ahaayeen kuwo si aad ah bulshadu ugu
baahnayd, una qalanta degaankeenna, maadaama Gobolku leeyahay muhimaddahan:
Istiraajiyad dhuleed iyo mid siyaasadeed maadaama uu ku yaal bartamaha Dalka
ee kala qaybiya dhulka beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed min bad ilaa xudduudda
Ethiopia.
Wuxuu leeyahay dano bulsho iyo dhaqaale, sida:
- Isku xirka Koofurta iyo Woqooyiga Dalka.
- Muhimad ganacsi ee kulmisa in badan ee dalkeena gudihiisa iyo xudduudda
dibeddeedaba ah.
- Bulshooyin iyo qabiillo kala gedisan ee deggan ama deris ku wada ah iyo
khibrad dheeri dadkiisa ee bartamaha dalka oo dhan.
- Khayraad iyo macaadin badan oo dhulkiisa ceegaaga.
- Baaxadda dhulka Galmudug waxaa lagu qiyaasaa:
- Dhinaca xeebta ilaa 345 km
- Dhinaca koofurta ilaa 315 km
- Dhinaca woqooyi ilaa 285 kmn
- Dhinaca xudduuda Ethiopia ilaa 85 km.
Annagoo xasuusan dhibaatooyinkii degaanku hore u qabay ee aan soo sheegay,
waxaa is-weydiin leh, maxaa qorshayaasha la dejiyey iyo guud ahaan habsami
u socodkii Maamulkaba la isugu dubbaridi waayey. Anigoo rajaynaya in si aad
ila fahmi doontaan, waxaa lagama maarmaan ah in la idiinsoo bandhigo caqabadaha
dhaliyey hakadkaas:
1. Xannibaad dhaqaale iyo maaliyadeed, maadama kharashyada lagu hawlgalay
dhammaan ay ka yimaadeen oo kaliya taageerayaasha Jaaliyadaha Beesha ee dibedda,
taasoo aan si buuxdana loo sii wadin ilaa Maamulku cagahiisa ku istaagayo.
2. Ma suurtagelin dakhli gudaha laga abuuro si deg-deg ah, maadaama ay arrintaasi
u haahan tahay diyaargarow ku haboon.
3. Degaanku ma lahayn dhul dhismayaal iyo goobo ilo dhaqaale leh, sida deked
iyo ayraboor ama suuq weyn, xataa jidad la isugu socdo.
4. Ma jirin adeeg bulsho ee la taaban karo oo dadka u socday marka laga reebo
isbitaalka Galkacyo iyo dugsiyo ama ceelal biyo oo magaalooyin dhowr ah ay
badankood ka fuliyeen hay’ado iyo shakhsiyaad jaaliyadaha ah.
5. Kuma harin degaan dad la sheegi karo ee aqoon leh ama tababaran oo hawlaha
Maamulka ka qaybqaata. Nasiibdarro xataa ma wada hawlgelin xubnihii Jaaliyadaha
ee la magacaabay ama Shirweynihii ka qaybgalay.
6. Culays badan oo ka yimid Ciidamada maleeshiyooyinka, ayna ad u adkaatay
si falalka dagaallada sokeeye bareen looga reebo, looguna hawlgeliyo hab Ciidan
Boolis ama loogu helo meherado kale; Arrimahaasi waxay u baahan yihiin tababar,
gacan kuhayn adag iyo dhaqaale xooggan.
7. Waxaa guud ahaan waqtigiyo dheer degaanka saameeyey dagaallo sokeeye iyo
abaaro keenay in dad aad u badani ay aad u liitaan.
8. Waxaa degaanka saameeyey loolanka siyaasadeed ee waqtiyadii danbe, taasoo
sababtay in faragelin cad ay degaanka ku sameeyaan xoogag dano kala geddisan
wata. Inkastoo dadaal badan maamulku galay, haddana waxbadan ma qaban karin
maadaama uusan xoogaysan ee uu bilow ahaa.
Waxqabadkii Maamulka
Waxaan jecelahay in si kooban idiinkugu soo bandhigo qorshayaashii ugu horraynba
Maamulku dejiyey, qaybna ka fuliyey oo u kala baxa saddex qorshe hawleed (3
Action Plans) oo ku jaango’naa muddada hore ee hawlgalka:
Qorshaha 1aad
- Dhismihii iyo dhammaystirka Hay’adaha Dowladda.
- Diyaarinta Shuruucda Miisaaniyadda & Xeer-Hoosaadyada kale.
- Dhismaha Maamullada Gobollada & Hay’adaha Maamulka.
- Abaabulidda, tababaridda iyo hawlgelinta ciidamada Nabadgelyada.
- Diyaarinta & Hirgelinta Mashaariic Bulsho.
- Ku tallaabsasho qorshe dhaqan-dhaqaale.
- Socodsiinta iyo taabagelinta nabadaynta beelaha.
Qorshaha 2aad
- Qaabaynta dhismaha degmooyinka & tuulooyinka.
- Abaabulka & kormeeridda bulshada.
- Qabashada Shirar degmooyinka.
- Doorashada/Xulashada Maamullada Degmo.
- Abuurid istiratijoyo & hab-shaqo ee Degmoyinka.
- Xaqiijinta dhammaan qaababka Maamulka.
- Abuuridda Guddiga Shaqada ‘Civil Service Commission)
- Dhammaystirka Magacaabid sarakiisha sare ee Maamulka.
Qorshaha 3aad
- Abuurid iyo horumarinta nidaamka dakhli ururinta, maaraynta shaqaalaha &
qorshaynta dakhliga
- Abaabulid shaqaale tayo leh, hab-nidaameed lacag bixin iyo mushaaro.
- Dhismo goobaha adeeg ee muhimka ah.
Waxqabadka hirgalay
1. Samaynta haykalkii dowladeed.
2. Magacaabid badi xilalka kala ah:
a. Xubnihii Golaha Wasiirada iyo kaabayaashooda, sida Guddoomiyeha Hay’adda
Dakhli Ururinta, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Xisaabiyeha Guud.
b. Shan ka mid ah xubnaha Maxkamadda Sare, Maxkamadda Gobolka Mudug
c. Guddoomiyayaasha gobollada Mudug iyo Hobyo, iyo ku-xigeennadooda iyo labada
Duq-magaalo (Mayor) ee Gaalkacyo iyo Hobyo.
3. Hawlgelin ciidamo boolis ah ee tiradooda iyo tayadoodu buuxin.
4. Shuruucda la dejiyey:
a. Sharciga asaasidda Hay’adda Dakhli Ururinta.
b. Sharciyadii iyo nidaamyadii dakhliga iyo hababkii canshuur-qaadidda, xafidaadda
iyo la-socodka dakhliga.
c. Sharciga Dhismaha Maamulka Degmooyinka.
d. Sharciga Gaadiidka iyo Taarigooyinka.
5. Arrimaha dibuheshiisiinta oo la billaabay, welina socda, siiba kuwa ku
wajahan walaalaha Galgaduud, si loogusii gudbo maamul ballaaran ee loo dhanyahay.
6. Waxaa la casumay, oo xarunteenna noogu yimid hay’ado samafal, kuwaas
oo loo gudbiyey mashaariic badan, ballanqaadayna in ay wax ka qabtaan.
7. Waxaa kordhay dhismayaasha iyo furidda dugsiyo waxbarasho, iyadoo markii
ugu horraysay sannadkan la billaabay dhigashada dugi sare dhinaceena iyo dhismaha
dugsi sare ee cusub.
8. Waxaa hadda socda abaabulka, xaraynta iyo tababaridda Ciidanka Nabadgelyada.
Walaalayaal, haddaan si kooban u taabto arrimaha siyaasadda, iyadoo la tixraacayo
Axdiga Dowladda Federaalka ku meel-gaarka ah, bulshooyinka gobol kasta ee
Soomaaliya waxay xaq u leeyihiin in ay isku darsamaan kuwo kale, gooni isku
taagaan ama si toos ah looga maamulo Dowladda Dhexe. Sidaas darted Axdiga
Galmudug wuxuu qorayaa Dowlad-Goboleed sida ka jirta qaybaha Woqooyiga naga
ah, waafaqsanna nidaamka Federaalka KMG ah iyo ismaamulka gudaha; wuxuuna
Shirweynihiisii Gaalkacyo ee 25kii Julay ilaa 14kii agoosto ee 2006 ku ansixiyey
saddex gobol ee Maamulku ka koobmo.
Muddadii Maamulku jiray wuxuu ku shaqeeyey mabaadiida Axdigiisa, taasoo uu
ku doonay nabadayn iyo deris wanaag ee ummadaha dhexdiisa, dariskiis iyo Soomaali
weynba. Waxaa xusid mudan ee nasiibdarro ah in deriskeenna Woqooyigu aysan
noolagaran sidii wanaaggu ahaa. Dhinaca kale, waxaa xiriiro iyo wadahadallo
ka doonay Maamulka Dowladda KMG ah, taasoo uu runtii markii hore caqabado
badan kala kulmay, hayeeshee laga helay qoraallo yididiilo leh ee ee iskaashi
iyo taageeroba loogu dalbayo Maamulka. Xaqiiqdu waxay tahay in masuuliyadda
aaya-ka-talinta dadkeenna iyo dagaankeennu annaga na saran yahay, u madax-bannaanahay,
kuna shaqaynayno sidii danta waxqabadka ee ummaddeena looga miradhalin lahaa,
annagoo midnimadeenna, isku kalsoonideenna xooggeenna, kartideenna iyo aqoonteenna
adeegsanayna; Ilaaheenna kaashanayna.
Sababaha kore dartood, waa arrinta dhawaan wafti aan hoggaaminayo uu dalka
dibedda uga soo baxay, booqashooyinkana ugu kala bixiyey gobollo badan ee
dalka Maraykanka ah, uguna talajiro in ku maro dhawaan waddammo kale ee Canada,
Yurub iyo meelo kaleba, Ilaah idankiis. Waxaan markale ammaan iyo bogaadin
u jeedinayaa taageerayaasha Galmudug ee Gaar ahaan sida aadka ah soodhaweynta,
taageeridda iyo taakulayntaba wafdigayga u sameeyey.
Hadaba, iyadoo aad xogogaal u tihiin xannibaadaha dhaqaale ee dalka manta
ka taagan, balse kaashanayna waxqabadkiinna, isla markaana tallaabooyin dhiirigelin
leh laga gaaray kulamadii aan hay’adaha kale la yeeshay, welina noo
socdaan; waxaa si hagal la’aan ah ugu dadaalaynaa in aan ku shaqayno
wax u qabadka bulshadeenna iyo horumarinta degaankeenna.
Walaalayaal, mar kale hambalyo, waxaana Ilaah ka baryayaa in aan sanadkan
kiisa kale ku tallaabsanno waxqabad muuqda.
Wa Billaahi Tawfiiq.
Dr. Maxamed Warsame Kimiko
Madaxweynaha Galmudug
Washington DC, 14ka Agoosto, 2007