.
-
Maamulaha & Tafatiraha Xarunta Warbaahinta Mudug, Mr. Cabdiasis Haji
Emailka: aragtida@hotmail.com![]()
Xarunta Warbaahinta Mudug |
Warbaahin
dhex-dhexaad ah |
2/08/2009 |
Taariikhda lacagta Somalia
|
Maqaalkaani wuxuu si kooban uga hadlayaa taariikhda lacagaha Soomaaliyeed. Ulajeedada maqaalku waa inuu u gudbiyo bulshada Soomaaliyeed macluumaad la xiriira taariikhda lacagaha Soomaaliya intaan la socon. Barashada taariikhda lacagahii dalku ku dhaqmi jirey waa muhim, waayo waa muraayad laga daalacan karo taariikhda dalka, xiriikuu la lahaan jirey adduunka intiisa kale iyo nidaamyadii maamul ee uu soo maray. Waxa kale oo ay wax ka tilmaamaysa sida lacagtu u shaqayso |
|
Maqaalku wuxuu u qaybsan yahay afar qaybood oo ku aadan afar xilli
oo nidaamyo lacageed oo kala duwan lagu isticmaalayey: Gumeeysiga
ka hor, xilligii gumeeysiga, dawladdiihii Soomaaliya iyo burburkii
ka dambeeyey. Gumaysiga ka hor, waxaa Soomaaliya ka socon jirtey lacag loo yiqiin
Maria Theresa Thaler ( fiiri sawirka dhinaca midig). Lacagtaas waxaa
loogu magacdaray boqoraddii Imbaradooriyadda Austria, Maria Theresa,
oo iyadu lacagtaas soo saartay sanadkii 1741.
Waxaa kaloo xeebaha Banaadir ka socon jirey lacag qadaadiic ah oo Cummaani ah (omani Biaza). Halkii Maria Theresa Thaler wuxuu la mid ahaa 230 Biaza Cummaani ah. Waxaa xusid mudan in xeebaha Banaadir uu xukumay boqorka Zanzibar oo isaguna ka yimid Cummaan. Xeebaha Waqooyi ee Seeylac iyo Barbara waxaa iyana ka socon jirey lacag qadaadiic ah oo qurushta Masar ah. Masar waxay iyaduna xukuntay xeebahaas. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa yiil namuunado (samples) ee lacagahaas
aan kor ku xusay iyo kuwii ka dambeeyey oo taariikhahaan loo keydiyey.
Waxay ila tahay inaynaan isweeydiinayn meesha ay hadda mareen. Waxay
ka mid noqdeen hantidii iyo taariikhdii Soomaaliyeed ee la bililiqeeystay.
Ingiriisku markuu qabsaday Gobollada waqooyi wuxuu u aqoonsaday Rubiyadda Hindiya lacagta keliya oo rasmi ahaan uga socon karta gobolladaas. Wuxuu ku doortay Rubiyadda Hindiya waayo lacagtaasi horay ayey uga socon jirtey deegaanka. Waa lacag isla Ingiriisku soo saarayey, gobolkuna waqtigaas wuxuu hoos imaanayey maamulka Ingiriiska ee Hindiya (fiiri sawirada lacagta). Intii ka horreeysey 1957 oo aan weli la qaadan habka "decimal", Rubiyaddu waxay u qaybsanayd 16 "Anna". Waxay ila tahay waa meesha ay ka yimaadeen erayada "Caanad" iyo "Caanatayn". Waxaa kaloo jirtey "Bawlad" oo afar caanadood ah (fiiri sawirka hoose). Rubiyaddu waxay kaloo ka socon jirtey Konfurta Soomaaliya sanooyinkii 1941 ilaa 1950 sidaan hoos ku arki doonno. Sandkii 1919 wuxuu Ingiriisku asaasay Hay'adda Lacagaha ee Bariga Afrika "East African Currency Board" si uu hab-lacageed gaar ah ugu sameeyo Afrikada Bari ee uu gumeeysan jirey. Hay'addaas mid la mid ahna horey ayuu ugu sameeyey Afrikada Galbeed (West African Currency Board). Hay'addu waxay u xilsaarnayd inay soo saarto shilinka Bariga Afrika "East African Shilling" oo lagu dabaqayo dalalka Kenya, Tanganika iyo Uganda, dalalkaasoo horey ugu isticmaali jirey Rubiyadda Hindiya. Sanadkii 1937 wuxuu maamulka Ingiriisku oggolaaday in Shilinka East Africa uu ka socon karo Gobollada Waqooyi. Ka dib, labada lacagadoodba si rasmi ah ayey uga wada soconayeen deegaanka. Haseyeeshe, xisaabaadka dawladda waxaa lagu qorayey Rubiyadda Hindiya. Rubiyadda Hindiya ee Ingiriisku soo saaray waxaa isticmaalkeeda la joojiyey markii Hindiya qaadatay gobanimadeeda sanadkii 1947, gabiahaanna waxa wareegga laga saaray sanadkii 1951. Gobollada Talyaanigu Gumeeysan jirey
Filonardi wuxuu sanadkii 1893 soo saaray lacag xaashi ah oo shan Rubiyadood ah (fiiri sawirka kore) oo lagu magacaabay "Buoni di Cassa". Lacagta waxaa ku qoran "Itala (Cadale) 15 luglio 1893". Ma ahayn lacag rasmi ah ee waxay ahayd ballanqaad in qofkii xaashidaas (boonadaas) sita loogu beddelayo 5 Rupiyadood oo qalin ah markuu dalbado (buono per Rupie Cinque pagabile al portatore)." Lacagtu aalaaba ballanqaadkaas ayey ku shaqeeysaa. Haddii aan aammindarro dhicin, qofna codsan mayo in lacagta xaashida ah loogu beddelo qalinkii ama dahabkii saldhigga u ahaa. Aamindarradu waxay dhaceeysaa markii la xakameeyn waayo dabacaadda lacagta. Shirkaddii Filonardi waxaa iridaha loo laabay sanadkii 1886 ka dib
markay khasaartay. Waxaa bedeshay shirkad kale, "Societa Commerciale
Italiana del Benadir" oo iyaduna la kulantay ciriiri dhaqaale.
Ka dib, sanadkii 1905, waxay dawladda Talyaanigu xeebta Benaadir ka
iibsatay Sultaanka Zanzibar iyadoo bixisey 144,000 sterlin. Waxay
ku dhawaaqday mustacmaradda Talyaaniga ee konfur Soomaaliya "Somalia
Italiana", waxayna Xamar ka dhigtay magaalamadaxdii. Beesadii gaal, oo bogga caddeyd, waa bukaa iyo, bilaash lagu waa. Sanadkii1925, dawladdii Talyaaniga ee Fashiistada ahayd ayaa carcar la timid. Waxay xoog ku qabatay gobollada dhexe iyo Waqooyi Bari, waxayna Jubbada Hoose kala wareegtay dawladda Ingiriiska. Isla sanadkaas 1925 ayaa dawladda Talyaanigu mar kale beddeshay habka lacagaha. Waxay dalkoo idil ku soo rogtay isticmaalka liraha Talyaaniga oo beddelay lacagihii kale oo dhan. Sanadkii 1935 Dawladdii Talyaaniga ee Fashiistada ahayd waxay ku duushay oo qabsatay Itoobiya, waxayna ku dhawaaqday Afrikada Bari ee Talyaaniga (Africa Orientale Italiana) oo ka kooban Soomaaliyaa, Eritreea iyo Itoobiya. Waxay saddexdaas dal u soo saartay lacag lire Talyaani ah oo gaar ahaan dalalkaas loogu talagalay. Lacagtaasi waxay kaga duwaneyd liraha caadiga ah ee Itaaliya ka socda, qoraal ku dul qoran xaashida oo ah "Serie Speciale Africa Orientale Italiana" . Waa taxane u gaar ah Afrikada Bari ee Talyaaniga. Waxaa kaloo ku qoran "E' vietata la circolazione fuori dei territori della Africa Orientale" lama oggola inay ka socoto dhul ka baxsan Afrikada bari. Fiiri sawirka xaash-lacageed 5 lire ah oo noocaas ah.
Lacagihii socon jirey 1940 – 1960 Waxaa kaloo Soomaaliya oo idil ka socotay Rubiyadda Hindiya oo iyaduna dhinc soconeysey shilinka East Africa. Halkii Rubiyad waxay u dhigantay shilin iyo bar. Sida la ogsoon yahay, sanadkii 1950 Gobollada Konfureed waxaa lagu
wareejiyey maamulka Talyaaniga ooy ilaaliso Qaramada Midoobay,"United
Nations Trusteeship Administration" oo afka Talyaaniga lagu oran
jirey "Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS).
Talyaanigu wuxuu dalka ku soo noqday bishii Abriil 1950. Bil ka dib,
wuxuu soo saaray lacag cusub oo uu ku magacaabay "Somalo".
Lacagtaas qiimaheeda iyo qaybaha ay ka kooban tahayba wuxuu ku jaangooyey
Shilinka East Afrika. Wuxuu asaasay Hay'adda Wareegga Lacagta ee Soomaaliya
(Cassa Per La Circolazione Monetaria Della Somalia) oo u xil saaran
soo saaridda lacagta "Somalo", wuxuuna ka tixraacay habkii
ay u shaqeeyneysay Hay'addii "East African Currency Board".
Wuxuu daabacay xaashi-lacageed u qaybsan min 100, 20, 10, 5, iyo 1
"Somalo"; iyo lacag cadadi ah oo min 1 "Somalo",
50, 10, 5 iyo1 senti. Lacagta xaashida ahi waxay caan ku ahayd dabqaadka
ku sawiran. Lacagta xashida ah ee halka shilin suuqa ma gelin. Sidoo
kale halka senti oo loo bixiyey "dhururuq" isaguna ma dhaqangelin.
Lacagtaasi waxay beddeshay lacagtii "East African Shilling"
oo suuqa laga saaray. Markii gobanimada la qaatay 1da July 1960, waxaa dawladda Soomaaliya la soo gudboonaatay talada ah: magacii lacagta loo bixin lahaa, qiimaha ama heerka sarrifka loo goyn lahaa iyo qaybaha laga daabici lahaa. Mar kasta oo maamulka dal isbeddelana, su'aalahaasi waa yimaadaan. Run ahaan, dawladda Soomaaliya waxay dhaxashay hab lacageed adag oo xasilloon oo dadku qaayibeen, kuna xiran lacagha gobolka Afrikada Bari. Sidaas daradeed, waxaa la go'aansaday inaan waxba la beddelin. Magaca waxaa loo doortay Shilin maadaama ay dadku magacaas u barteen. Xagga qiimaha waxaa la go'aansaday in la raaco habkii lacagtii "Somalo" oo iyadana laga hab-raacay lacagtii "East African Shilling" oo ah 1 UK pound = 20 shilin ama 1 US$ = 7.14 shilin. Sidoo kale, qaybaha lacagta laga daabacayo waxaa laga tixraacay lacagtii "Somalo". Waxaa la asaasay Bankiga Qaranka Soomaaliyeed oo mas'uul ka ah soo saaridda lacagta, laguna wareejirey kayd lacag qalaad (foreign reserves) oo dammaanad u ah lacagta wareegeysa. Waxaa kaloo la go'aansaday in lacagta "Somalo" sii socoto illaa laga sameeyo lacag Shilin Soomaali ah oo cusub. Gobollada Waqooyi waxaa la geeyey Lacagtii "Somalo" oo beddeshay lacagtii "East African Shilling". Hawsha ugu weyn oo u tiil Bankiga Qaranka waxay ahayd daabacaad lacag cusub oo naqshado cusub leh. Haddaba, sanadkii 1962 ayaa la soo saaray xaashi-lacageedii ugu horreysey oo wadata qoraalka Shilin (fiiri sawirka kore), waxaana lagu daabacay "Istituto Poligrafico dello Stato" oo ah madbacadda dawladda Talyaaniga u daabacda lacagaha iyo waraaqaha kale oo qiimaha leh. Lacagtaasi waxay beddeshay lacagtii "Somalo" oo gabiahaanba suuqa laga saaray 31dii Disembar 1963. Sida laga arko sawirka, lacagta wajigeeda waxaa ku qornaa af talyaani, dhabarka, oo aan hadda meesha ka muuqan, waxaa ku qornaa Carabi iyo Ingiriis. Lacagihii dambe oo xaashida ahaa waxaa dhammaantood daabacay shirkad caan ah oo la yiraahdo "Thomas De La Rue & Company" oo dalka Ingiriiska laga leeyahay. Lacagtii cadadiga (coin) ee shilin Soomaali ee ugu horreysey waxaa la soo saaray sanadkii 1967, waxaana lagu tumay ama lagu daabacday warshadda Royal Mint oo Ingiriisku leeyahay. Lacagtaasi waxay beddeshay lacagtii cadadiga ee "Somalo" oo suuqa laga saaray 31dii diseembar 1970 (fiiri sawirka kore). Lacagtaas "Somalo" ee suuqa laga saaray waxaa loo dhoofiyey dibedda macdan ahaan, waxaana laga helay faa'iido lixaad leh waayo shilinka iyo nushilinku waxay 25% ka sameeysnaayeen qalin (silver). Ka dib markii Af soomaliga la qoray, waxaa meesha laga saaray af
Talyaanigii. Wajiga lacagta waxaa lagu qoray af Soomaali, dhabarkana
Carabi iyo Ingiriis. Sannadkii 1982 waxaa markii ugu horreeysey la soo saaray xaashi-lacageed cusub oo 50 shilin ah. Waxaa loo baahday xaashi-lacageed u dhexeeya 20ka iyo 100ka shilin oo sahasha wareegga lacagta. Sawirka waxaa ka muuqda xaashi-lacageedaas. Laga bilaabo sanooyinkii todobaatannaddii aakhirkoodii, waxaa shilinka Soomaaliga ah la soo darsay khalkhal iyo xasiloonidarro naxdin leh. Mashaakilka shilinku waxay biloowdeen ka dib markii dawladdii militariga ahayd ay la wareegtay ganacsigii, bankiyadii iyo ilihii dhaqaalagha oo dhan. Wakaaladihii loo xilsaaray ganacsiga waxay ku guuldarreysteen inay dalka ha haqabtiraan badeecadihii daruuriga ahaa ee loo baahna. Waxay markaas dawladdu oggolaatay habkii ganacsi oo loo yiqiin "Franco Valuta" oo u oggolaanayey ganacsatada inay badeecooyin dalka keeni karaan hadday lacag qalaad heli karaan. Lacagta qalaad waxay ka helayeen ama ka iibsanayeeen shaqaalaha Soomaaliyeed ee Khaliija. Waxaa halkaas ka bilowmay suuqa lacagta qalaad ee xorta ah. Haddaan tusaale u soo qaadanno, heerka sarrifka suuqa xorta ah wuxuu ahaa 1 US$ = 7 Shilin sanadkii 1976 aakhirkiisii, halka heerka sarrifka suuqa xorta ahi uu gaaray 1US$ = 5000 shilin disembar 1990. Qiimadhacaas shilinka ee xad-dhaafka ah waxaa u sabab ahaa daabacaadda lacagta oo aan loo aabbayeelin. Haddaan tusaale kale soo qaadanno, lacagta suuqa ku jirtay disembar 1976 waxay ahayd 410 milyan. Disembar 1989 tirada lacagta suuqa ku jirta waxay gaartey 70,900 malyan shilin oo aayan ku jirin lacagtii suuqa gashay sanadkii 1990 oo aan tirakoobkeeda la hayn. Halkaas waxaa laga garan karaa sida talo faraha uga haaday. Sicirbararka aawadiis, waxaa dhacday in warqadda lacagta lagu daabaco
ay ka qiimo batay ama ka qaalisanaatay lacagta qiimaheeda (face value).
Taasi waxay sababtay in la bxin kari waayo kharaska dabaacadda lacagta
oo xad-dhaaf noqday. Waana taas sababta keentay in waagaas lacagta
xaashida ahi suuqa ugu yaraato. Sidaas daradeed, wxaa la daabacay
sanadkii 1989 xaashi-lacageed 500 shilin ah. Sidoo kale waxaa sanadkii
1990 la daabacay xaashi-lacageed 1000 shilin ah.
1991 - Burburkii dawladda iyo wixii ka dambeeyey
Sida la ogsoon yahay, ka dib markii dawladdii Soomaaliyeed burburtay, waxaa dalku galay xilli fowdo iyo jahawareer ah, waxaana baaba'ay hay'adihii dawladda oo idil ooy ku jiraan Hay'adaha lacagtu. Bnkiyada ayaa ahaa meelihii ugu horreyey oo la bililiqeeystey. Lacagta iyo hantida la boobay waxaa ka daran, waxaa la burburiyey wixii xog ahaa oo la uruurinayey boqollal sano, ha ahaadeen qoraallo taarikheed, xogwarrano dhaqaale, xisaabaad dadweeyne iyo dawladba iyo xiriirkii lala lahaa bankiyada adduunka. Waxaa la yaab leh, xilligaan dawlad la'aanta ayaa la daabacay lacagtii ugu badnayd ee shilin Soomaali ah. Dabcan, ulajeedada ka dambeeysa daabacaadda lacagtaas ma ahayn in loo adeego isdhaafsiga ganacsiga iyo dhaqaalaha, ee waxay ahayd in lagu fushado dano gaarahaaned oo qayb ka ah dagaalka sokeeye. Haseahaate, mararka qaarkood, lacagta la daabacayo waxay dabooleeysey baahi suuqu u qabo, maadaama lacagtii hore ay suuqa ku yaraaneysey duugoow iyo dacdarro awgood. Waxaan halkaan hoose ku soo gudbinayaa shax qeexaysa lacagaha la
daabacay 1991- 2001 oo gaaraya tiro dhan 595 billyan shilin Soomaali.
Xogta lacagta waxaan ka helay ilo kala duwan, ooy ka mid yihiin saxaafadda
maxalliga ah, internetka, idaacadaha, jaraa'id caalami ah, xogwarranada
Qaramada Midoobay iwm. Waxaanmaleeynayaa in tirada lacagaha la daabacay
ay intaas ka badan tahay, sababtoo ah xogtii oo dhan lama hayo.
Hoggamiyihii ugu horreyeey oo lacag soo saara wuxuu ahaa Cali Mahdi. Lacagtaasi waxay ahayd lacag ay dalabtay dawladdii hore ee Maxamad Siyaad intayan dhicin. Lacagtaas waxaa ka mid ahaa lacag xaashi ah oo cusub oo halkii shilin u dhigmo 100 shilin. Lacagtaas waxay ku suntan tahay xarafka "N" oo laga hormariyey qiimaha lacagta. "N" waxay u taagan "New". Waxaa la dalbay N50 oo la mid ah 5000 shilikii hore iyo N20 oo la mid ah 2000 shilinkii hore. Fiiri sawirkan hoose. Lacagta "N" waxay ka socotaa waqooyiga Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo keliya, sida muuqatana, aqbalaad waa ka weydey dalka intiisa kale.
Sanadkii 1999 Maamulgoboleedka Puntland ayaa daabacday lacag min
1000 shilin ah oo lagu sameeyey dalka Indoneesiya. Nasiib wanaag, waxaa jira xad aayan dhaafi karin kuwa lacagta daabaca
oo xakameeynaya damacooda. Xadkaasi waa kharashka daabacaadda xaashi-lacageeda
1000 shilin oo ah xaashida ugu qiimo badan oo dawladdii hore ka taktay,
haddana la beenabuuro. Halkii xaashi-lacageed ee 1000 shilin waxay
ku kacaysaa US$0.028 sida aan ka helay ilo xog-ogaal ah. Haddaba,
markii heerka sarrifku ahaa 8000-10,000 shilin/halkii dollar, faa'iido
aad u badan oo gaareeysa ilaa 300% ayaa laga helayey dabacaadda lacagta.
Laakiinse, markii heerka sarrifku hoos ugu soo dhaco 22,000 shilin/halkii
doollar, wax faa'iido ah oo laga helayo ma jirto, balse khasaaro ayaa
imaan karta markii la tixgasho kharashka la xiriira ilaalinta lacagta.
Sidaas daraadeed, shilin Soomaaligu hoos ugama dhici karo heerka 22,000
shilin/halkii dollar. Waa taas sababta keentay xasiloonida shilinka
ee hadda muuqata. Waa taas sababta Shilin Soomaaligu suuqa uga bixi
waayey oo weli u wareegayo.
Jamhuuriyadda la baxday Somaliland, waxay gooni-isu-tagga ku dhawaaqday bishii maajo sanadkii 1991. Bishii Septembar 1994 dawladda Somaliland waxay soo saartay lacag cusub oo loogu magacdaray "Somaliland Shilling". Waxaa la daabacay xaashi-lacageedyo kala ah 5, 10, 20, 100, 500 iyo lacag cadadi ah oo Hal shilin Soomaaliland ah. Sarrifka lacagta waxaa lagu saleeyey 50 Somalilnd Shilling = 1 US$. Lacagtaas waxaa mas'uul ka ah soo saariddeeda Banka Somaliland oo ah Bankiga Dhexe ee Soomaaliland. Waxaa sawirka hoose ka muuqada xaashi-lacageed 5 Shilin Somaliland ah iyo cadadi hal Shilin ah.
Sidaan ku soo aragnay taariikhda, shilinka Soomaaliga ah wuxuu asal ahaan ka soo jeeda shilinkii Bariga Africa oo Ingiriisku dalka soo geliyey sandkii 1941. Habkii Ingiriisku jideeyey ayaa dawladdii Talyaniguna raacaday, dawladdii Soomaaliya ee rayadka ahaydna la qabsatay. Shilinku wuxuu ahaa lacag xoog leh oo ka qaalisan lacagaha Bariga Afrika sida shilinka Keenya. Dhibaatadu waxay bilaabatay markii sanayinkii sideetameeyadii dawladdi militariga ahayd ay daabacday lacag xad-dhaaf ah oo aan suuqu qaadi Karin, kuna saleeysnayn xikmad dhaqaale. Waxaa meeshaas ka dhashay sicirbarar baabi'iyey qiimihii shilinka. Sidee lagu soo celiyaa qiimihii shilinka. Waxaa ka horreeysa in lasoo celiyo qaranimadii Soomaaliya. Marka hore, waxaa loo baahan yahay inay dhacdo dib-u-heshiisiin dhab ah, oo lagaga daawoobo dhaawacii dagaalka sokeeye. Waxaa kalo loo baahan yahay in la helo dawlad Soomaalyeed oo dalkoo idil ka shaqeeysa, haysata kalsoonida daweeynaha, ilaa xadna leh karti, daacadnimo iyo aqoon farsamo. Marka laga hadlayo dib-u-habeeynta habka lacagta, waxaa habboon in la isweeydiiyo, maxay tahay ulajeedada lacagta loo sameeynayo. Haddii ulajeedadu tahay in dawladdu ka hesho dakhli ay ku daboosho kharashkeeda faraha badan, oo aalaaba aan macquulka ahayn, taasi waa fikrad khaldan oo hadda ka hor faraha lagaga gubtay. Waayo-aragnimadu waxay ina bartay, in lacag la iska daabaco aayan waxaan sicirbarar ahayn keeneyn, sicirbararkuna wuxuu khalkhal ku ridayaa dhaqaalaha iyo mujtamaca oo dhan. Haddiise, ulajeedadu tahay in dalka loo sameeyo lacag sahasha isdhaafisiga badeecadaha iyo adegyada, wareejisa cajalada ganacsiga, kaalisa horumarinta dhaqaalaha, taasi waa midda loo baahan yahay farsamadeeda. Si ulajeedadaas dambe loo sugo, waxaan soo jeedinayaa in la dhiso Hay'adda Maamulka Lacagta oo u xilsaaran soo saaridda lacagta qaranka, ilaa xadna ka madax bannaan dawladda. Hay'addaasi iskama daabici karto lacag. Waxay lacag soo saari kartaa oo keliya ka dib markay hesho kayd lacag qalaad oo u dhigma lacagta suuqa galeysa. Waxaa Markaas meesha ka baxaya awooddii ahayd in la iska daabici karo lacag xad-dhaaf oo aan saldhig lahayn, ka dibna, waxaa xasilaya habka lacagta, maaliyadda iyo dhaqaalahaba. Hay'addu waxay u shaqeeyneysaa sidii hay'addii "East African Currency Board" ama "Cassa per la Circolazione Monetaria della Somalia' oo aan kor ku soo aragnay. Hay'addaas dhismaheeda waxaa lala kaashan karaa hay'adaha maaliyadda ee adduunweeynaha sida bankiga Adduunka. by Ahmed said olad
|