Warsaxafadeed ay soo saareen beesha Ayaanle Sacad ee Europe

 

Golaha Wadatashiga Ayaanle Sacad
Golaha Waxgaradka, Culimaaudiinka iyo Siyaasiinta beesha Ayaanle Sacad

Bismillahi Raxmaani Raxiim

Warsaxafadeed ay soo saareen beesha Ayaanle Sacad ee Europe
Ka dib, markii la dareemay xaaladaha qalafsan ee soo wajahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana Galmudug ee siyaasadeed , bulsho iyo dhaqaale, waxay beesha Ayaanle Sacad ee ku kala nool dunida dacaladeeda ka maarmi waayeen inay xilligan isugu yimaadaan shir ujeedadiisu tahay in la isku dayo sidii xal guud loogu heli lahaa arimaha murugsan ee ka jira Somaaliya.

Hadaba Kulan dheer oo la qaatay, waxay beesha Ayaanle Sacad soo saareen bayaan ay ku muujinayaan mowqifkooda ama aragtidooda ku aadan Galmudug iyo Soomaaliyaba.

Bayaankiina wuxuu ku soo baxay sidan:
Shir ay isugu yimaadeen beesha Ayaanle Sacad oo ka dhacay magaalada London taariikhdu markay ahayd 02-05-2008, oo ay ka soo qayb galeen dad fara badan oo isugu jira aqoonyahano, indheergarad, culumaa-udiin oo ku abtirsada bulshada Ayaanle Sacad ayaa waxaa ka soo baxay ilaa 6 qodobo oo kala ah:

1. Beesha ( Ayaanle Sacad ) waxay isku raaceen xeer ama dastuur ay yeelato beeshu kuna dhaqanto oo nuxurkiisu yahay nabad ku wada noolaansho.
2. Beeshu waxay dhisatay Golaha Wadatashiga Ayaanle Sacad oo gaaraya 11 xubnood iyo guddi fulin oo gaaraya 5 xubnood iyo Guddi Haween oo ka kooban 3 xubnood.
3. Beeshu waxay cadeyneysaa in golahaasi uu yahay irridda kaliya ee laga soo galo beesha waxna laga waydiiyo arrimaheeda.
4. Beeshu waxay taageeraysaa nabadda iyo wada noolaanshaha beelaha Soomaaliyeed, waxayna ka soo horjeeddaa xasilooni darrada iyo kala qoqobnaanta.
5. Beesha waxay ku baaqaysa in dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xalliyo qaab nabadeed oo ku yimaada wada hadal miiska dushiisa ah.
6. Beeshu waxay u caddeyneysaa beesha caalamka iyo dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inaan diyaar u nahay kuna tashanay meel marinta go’aannada kor ku xusan.

 



(GWAS)
Walaahu waliyu al-toofiiq

 

Warsaxafadeed ay soo saareen beesha Ayaanle Sacad ee Europe