| ||||||
|
|
| Ma u bahan tahay in an xidhiidh la samayso Maamulka Mudug.com? Ma dareentay wax khalaad ah oo aad ku aragtay webka dhexdiisa? Ma jirtaa wax aad jeceshahay in lagu soo kordhiyo Webka Fadlan la xidhiidh Maamulaha Webka - Emailka: Halkan Guji- |
| | Google| |
BARO JAAMACADAHA HINDIYA SI AY KUUGU SUURTA GASHO IN AADAN KU QALDAMIN MID AAN KUGU HABOONEEN WAQTIGANA UUSAN KAAGA LUMIN |
|
Hindiya (India) Jaamacadeheeda ayaa waxay ka badan yihiin ilaa 228 Jaamacadood kuwaas oo 15 ka mid ah ay yihiin Central Universities, 38 Deemed Universities, 34 Agricultural Universities, 18 Engineering Universities, 14 Medical Universities. Qaybahan ayaa loo kala qaadaa jaamacadaha India:- 1-Central Universities 2- State Universities: Jaamacado badan oo ku kala baahsan 27 state ee wadanka ayaa hoos imanaya qaybtan, dawlad goboleedyada wadanka (State governments) ayaa u xilsaaran horumarinta iyo taageeridda jaamacadahan, sidoo kale waxay jaamacadahani taageero ka helaan UGC-da. Inkasta oo xaga caannimada aysan jaamacadahani ka yarayn hadana kuwa ugu qadiimsan waxaa kamida: University of Calcutta,University of Madras iyo Mumbai University. 3- Deemed Universities: Macaahidyo waawayn oo wadanka ku yaala ayaa la siiyay aqoonsi iyo astaan la mida tan jaamacada, walow aysan macaahidani ahayn jaamacad hadana waxay ka qaalisanyihiin kana sumcad weyn yihiin jaamacadaha wadanka ku yaala qaarkood, Macaahidan oo lagu magacaabay Deemed Universities, waxay u madax banaanyihiin inay dajistaan manhajkooda iyo waliba course-yada ama kuliyadaha ay bixinayaan, waxaa jira 100 jaamacadood ama macaahid oo nidaamkan hoos imanaya. Deemed Universities-ka iyagana waxaa aqoonsiga siiya UGC-da iyo
Department of Education oo hoos yimaada Ministry of Human Research
Development. 5- Institutions of National Importance: Macadyadan ayaa ah kuwo
muhiim ah oo la sameeyay ka dib markii baarlamaanka hindiya uu ansixiyay
aas-aaskooda, waxaana ay hoos yimaadaan dawlada federaalka, Macadyadan
ayaa ah kuwa ugu sarreeya dalkan, waxaanaÿÿ ka mid ah
kuwooda ugu waawayn:- Indian Institutes of Management (IIMs) waa macadka ugu muhiimsan
wadankan ee bixiya maadooyinka la xiriira maamulka iyo ganacsiga
waxaana macadkan uu ku yaalaa magaalooyinka kala ah Ahmedabad, Banagalore,
Indore, Kolkata, Kozhikode iyo Lucknow. Macadkan ayaa wuxuu bixiyaa
Post-garaduate Diploma oo la mid ah MBA taas oo leh takhasusyo kala
duwan, mudada course-ka uu soconayana waay 2 sano. ii- Indian Institutes of Technology(IIT) Waa macad ka mid ah ilaa 7 macad oo bixiya Engineering iyo Technology
kuwaas oo ay samaysay sida aan hore u soo sheegnay dawlada India
kuwaas oo lagu magacaabo Institutes of National Importance kuwaas
oo laga aqoonsan yahay dunida oo dhan shahaadooyinkooda Degree-ga
ama Masterka ah. Macadkan oo ku yaala Bangalore wuxuu bixiyaa Post-graduate iyo
Doctoral research waana macadka ugu sarreeya marka laga hadlayo
Cilmi baarista, waxa uu macadkan kow ka yahay jaamacadaha ka jira
India iyo Jaamacadaha koonfurta Asia. Waxaa uu cilmi baaris ku sameeyo
macadkan waxa ka mid ah Aerospace Engineering, Molecular Biophysics
iyo Managamement. Macadkan ayaa isagana ah kan ugu sareeya ee bixiya shahaadooyinka
under-graduate iyo graduate la xiriira cilmiga barashada Sharciga,
waxa uu isagana ku yaalaa meel aan sidaa ugu dheerayn Bangalore.
NLSIU wuxuu bixiayaa 5 sano oo ah B.A(Hons) iyo LL.B(Bachelor of
Laws) sannad kasta, ardayda ayaa laga soo xushaa imtixaan sare oolaga
qaado lana yiraahdo AIEE (All India Entrance Exam), in ka yar 3%ÿ
ayaa ku guulaysata imtixaankan waxaana la qabtaa Axada ugu horraysa
ee bisha May sannad kasta, Ardayda ajaanibta ah ayaa aad loogu soo
dhoweeyaa imtixaankan iyadoo 5 kursi loogu tala galay, gaar ahaan
waxaa loogu tala galay 5taas kursi ardayda ka yimaada wadammada
SAARC (South Asian Association for Regional Cooperation) wadamadaas
oo kala ah Bangladesh, Bhutan, India, Maldives, Nepal, Pakistan
iyo Sri Lanka, wadanka Afghanistan ayaa mar dhowayd ku soo biiray
in kastoo aan weli loo dhammaystirin xubinnimadiisa. Inkasta oo
jaamacadaha ku yaala India sidaas aan aragnay u badanyihiin, hadana
ma fududa in dhamaantood admission laga wada helo, shuruudaha aqbalaadaÿ
jaamacadaha qaarkood aad ayuu u adagyahay ardayda soomaalida ah
ee halkan wax ka bartana shuruudahaas ma wada oofin karaan, waxaa
kale oo jira in jaamacado badan ay bixinta Admissionka (Warqada
Aqbalaada) ay ku saleeyeen qaybaha kala gadisan ee bulshada India
(Reservation), taas oo aanan ardayda ajaanibta ah fursad fiican
siinayn, si kastaba ha ahaatee, wali jaamacadaha la heli karo aad
ayay u badan yihiin.
|